Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheere ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay magaaladaas la wareegeen saacidihii aynu soo dhaafnay.
Maleeshiyaadka la wareegay Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheere ayaa la sheegay in ay ka gadoodeen maamulka Khaatumo State waxaa Hogaaminaya Generaal horey ugu tirsanaa Ciidamada Khaatumo State.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya In ciidamada la wareegay Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheere in ay ka amar qaataan maamulka Puntland wallow uusan maamulka Puntland ka hadlin arintaan.
Maalmihii dambe Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheere waxaa ka taagneed xiisad u dhaxeysay wasiirka Caafimaadka Soomali-land Xagla Toosiye iyo madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr.

