Gudoomiyaha deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Maxamed sheikh oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay ciidamada amisom iyo kuwa dowlada soomaliya in ay qalqal galinayaan amaanka deegaanka kadib markii ay shalay qabsadeen deegaanka balse galinkii dambe shalay ay ka baxeen.
Cali Maxamed sheikh Gudoomiyaha deegaanka Janaale ayaa tilmaamay in dadka ku nool deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay soo food-saartay cabsi aad u weyn madaama deegaanka saacadihii aynu soo dhaafnay ay ku kala wareegeen ciidamada amisom iyo ciidamada Xarakada al-shabaab.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom ayaa shalay la wareegay deegaanka janaale balse waxa ay faaruijiyeen galinkii dambe ee shalay waxaana deegaanka dib ugu soo laabtay al-shabaab.

