Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Ciidamada al-shabaab ayaa la sheegay in ay u suurta gashay la wareegitaanka deegaanka Daynuunaay ee duleedka Magaalada Baydhabo kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa maamulka koonfur Galbeed soomaliya.
Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga ee qaybta 60-aad, Ismaaciil Khaliif Shire, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shabaabku ay saakay soo weerareen deegaanka Daynuunaay, isla-markaana ay dib ula wareegeen ciidanka xoogga dalka soomaliyeed.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, ay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.
Sarkaal u hadlay xarakada Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidmaadoodu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Daynuunaay islamarkaana ay gacanta ku dhigeen gaari iyo saanado melatari oo ay ka carareen sida uu sheegay ciidamada dowlada soomaliya iyo kooonfur galbeed soomaliya.

