Kooxda ka dagaalanta dalka Filipin ayaa xukun gowrac ah waxa ay ku fulisay muwaadin u dhashay dalka Canada oo af-duub ahaan ay u heysteen mudooyinkii dambe.
Kooxda Abu Sayyaf, ayaa toddobaadyo ka dib afduubka dadkaasi ku cago jugleysay inay surka ka wada jari doonto John Ridsdel, Robert Hall oo u dhashay Canada iyo nin kaloo saddexaad oo reer Norway ah, laguna magacaabo Kjartan Sekkingstad.
Dowlada Canada oo jawaab ka bixin caga-jugleynta kooxdaas ayaa keentay in kooxda ay xukun gowrac ah ay ku fuliso muwaadinkaan u dhashay dalka Canada ee lagu magacaabi jirey John Ridsdel.
Raisulwasaaraha dalka Canada Mudane Justin Trudeau oo Isniintii shalay u waramay Saxaafadda dalka Canada, ayaa dil aan macno lahayn ku tilmaamay tallaabada lagu gowracay John Ridsdel.

