Dowlada Canada oo Xaqiijisay in Muwaadin u Dhashay Dalkeeda Lagu Gowracay Dalka Filipin

0

Kooxda ka dagaalanta dalka Filipin ayaa xukun gowrac ah waxa ay ku fulisay muwaadin u dhashay dalka Canada oo af-duub ahaan ay u heysteen mudooyinkii dambe.

Kooxda Abu Sayyaf, ayaa toddobaadyo ka dib afduubka dadkaasi ku cago jugleysay inay surka ka wada jari doonto John Ridsdel, Robert Hall oo u dhashay Canada iyo nin kaloo saddexaad oo reer Norway ah, laguna magacaabo Kjartan Sekkingstad.

Dowlada Canada oo jawaab ka bixin caga-jugleynta kooxdaas ayaa keentay in kooxda ay xukun gowrac ah ay ku fuliso muwaadinkaan u dhashay dalka Canada ee lagu  magacaabi jirey John Ridsdel.

Raisulwasaaraha dalka Canada Mudane Justin Trudeau  oo Isniintii shalay u waramay Saxaafadda dalka Canada, ayaa dil aan macno lahayn ku tilmaamay tallaabada lagu gowracay John Ridsdel.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here