Dowlada Soomaliya iyo Taliska AMISOM oo Kawada Hadlay Dagaalka Al-shabaab+sawirro

0

Dowlada soomaliya iyo Taliska AMISOM  ee soomaliya ayaa kawada hadlay sidii la iskaga kaashanlahaa dagaalka xarakada al-shabaab lagu jiro.

Kulan shalay Magalada Muqdisho ka dhacay  oo uu shir Gudoominaayay  Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya, Maxamed Cumar Carte, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Gaashaandhiga soomaliya C/qaadir sheikh Cali Diini, Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom, Amb. Francisco Caetano Madeira. Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika, Lydia Wanyoto Mutende, Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay iyo Saraakiil Militariga Amisom ka tirsan.

Intuu socday kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii  la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka al-shabaab oo wali ku  sugan meelo kamid ah Gobolada dalka soomaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom, Amb. Francisco Caetano Madeira.  Ayaa  sheegay in caqabado ay la soo gudboonaadeen hawlgalka Amisom, waxaana uu tilmaamay in caqabadahaasi ay xalin karaan dalalka deriska la ah wadanka Somaliya,

Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya, Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya ay wali diyaar u yihiin dagaalka lagu jiro al-shabaab isagoo taliska ka codsaday in la iska kaashado dagaalka al-shabaab.

1461610599ab6e5 146161059645dfd 1461610598910d9

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here