Taliska AMISOM oo Beeniyay War kasoo Yeeray Ururka Daacish

0

Taliska AMISOM  ee soomaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa daacish ay burburiyeen mid kamid gawaarida ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka tareedishe ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM, Korneyl Joe Kibet,  oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu beeniyay in Ururka Daacish uu qarax miino ku burburiyay mid ka mid ah kolonyada Ciidamadooda. oo marayay deegaanka tareedishe ee duleedka Magaalada Muqdisho.

“Waxaa jiray isku day weerar saacaddu markay ahayd 11:00 illaa 11:15 barqanimo ee maanta lagu qaaday mid ka mid ah kolonyadeena oo ka gudbeysay meel isgoys ah oo 13 u jirta Muqdisho, balse ciidankeena iyo gawaarideena wax qasaaraha sooma gaarin ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka AMISOM, Korneyl Joe Kibet,

Ururka daacish war qoraal ah ay barahooda soo dhigeen ayaa lagu sheegay in ururka uu soomaliya ka fuliyay weerarkii ugu horeeyay isla markaana lagu burburiyay mid kamid ah gawaarida ciidamada amisom ee soomaliya ku sugan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here