Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Maamulka Galmudug oo ka Hadlay Xil ka Qaadistii Lagu sameeyay

0

Wasiirkii Hore ee  qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee maamulka Galmudug Maxamed Cilmi Afrax, ayaa dhaliilay qaabka uu madaxweynaha maamulka Galmudug  C/kariin Xuseen Guulee xil ka qaadista ugu sameeyay.

Maxamed Cilmi Afrax,  Wasiirkii Hore ee  qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee maamulka Galmudug  oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa dhaliilay qaabka xil ka qaadista loogu sameeyay.

“In xil la’iska qaadaah wax dhab ah malaha, laakiin waxaa wax layaab leh ayadoo xiriirkeyga la haayo, lana haayo meelihii fariimaha la’igu soo diri jiray (Emailkeyga la haayo), oo Wasaaraddii aan joogay Email ay leedahay, in wixii aan suuqa ka maqlo oo Websiteyada la soo dhigo. Arrintaasi maaha arrin ku saleysan Maamul wanaag.” ayuu yiri

Maxamed Cilmi Afrax,  Wasiirkii Hore ee  qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee maamulka Galmudug   ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradiisa ay haysay xogag badan oo ku aadan wixii u qabsoomay maamulka  Galmudug 10-kii bilood aynu soo dhaafnay balse aan la sugin arintaas oo isaga xil ka qaadis lagu sameeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here