Guddiga Doorashooyinka Puntland oo maanta lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Puntland+Sawirro

0
Guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban 9-xubnood isla markaana uu dhowaan cod Aqlabiyad leh ku ku meel-mariyey Baarlamaank Puntland ayaa maanta 25-April-2016 waxaa lagu dhaariyey xafiiska Madaxweyne ku-xigeenku uu kuleeyahay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Munaasabadda dhaarinta guddiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyha Golaha Wakiillada  Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubin kasocotey Maxkamadda sare.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ilaahay uga baryey guddiga In uu u fududeeyo shaqada adag ee loo wakiishay, waxana uu ku boorriyey in ay dedaal dheeraad ah sameeyaan si’ay uga soo dhalaalaan waajibaadka baaxadda leh ee loo igmaday.
Guddiga ayaa Guddoomiye u doortey Axmed Maxamed Cali (Kismooyo) sidoo kalena guddiga waxay gudoomiye ku xigeen u doorteen Maxamuud Soofe Xassan oo sidoo kale guddigii hore ee doorashada gudoomiye ku xigeen kasoo noqday.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ku tilmaamay xubnaha guddiga in ay ka kooban yihiin dad aqoon yahan ah isla markaana waayo-aragnimo dheeraad ah u leh arrimaha noocaan ah.
Sidoo kale waxa uu xusay kusimaha Madaxweynuhu in guddigaani ay haystaan firaaqo ka badan tii ay haysteen guddigii iyaga ka horreeyey isla markaana looga baahan yahay in ay dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay bulshada Puntland.
Ugu dambayntii Kusimaha Madaxweyanaha ayaa eebbe uga baryey guddiga in uu u fududeeyo shaqooyinka baaxadda leh ee loo igmaday, sidoo kalena waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan guddiga si’ waddanka loo gaadhsiiyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah.
 IMG_6647 IMG_6640 IMG_6633 IMG_6630 IMG_6628 IMG_6624 IMG_6621

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here