Madaxweynaha Guddiga Sare ee Kacaanka xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa kulan ay kaga wada hadlayeen arimaha labada dal magaalada sanca kula yeeshay ku simaha safaaradda Soomaaliya ee Sanca.
Intii uu socday kulanka waxa ay si gaar ah ugu hadleen sidii loo samata bixin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Yemen gaar ahaan magaalada sanca oo ah caasimadda dalkaasi.
Kulanka dhex maray madaxweynaha sare golaha kacdoonka Yemen Max’ed Cali Xuuthi iyo ku simaha safaaradda soomaalida ee Yemen ayaa diiradda lagu saaray ka warqabidda iyo qaban qaabinta kulan weyne looga hadlayo xaaladda ay ku sugan yihiin qaxootigii ku haray Yemen kadib markii dagaalo xooggan ay ka dhaceen dalkaasi dabayaaqadkii 2015-kii iyo horaanta sanadkaani.
Warkaani lagu daacabay wakaalada wararka Yemen ee saba ayaa lagu sheegay in madaxweynaha gudiga sare ee kacaanka Yemen uu u sheegay ku simaha Safaaradda Soomaalida ee Sanca in xiriir wanaagsan uu ka wada dhaxeeyo labada shacab waa soomaaliya iyo Yemen.
Maxamed Cali Al-Xuuthi ayaa ugu dambeen dowlada soomaaliya iyo waliba shacabka soomaaliyeedba ka codsaday in ay dhex dhaxaad ka noqdaan colaadaha Yemen sida ay horay ugu noqdeen dhex dhexaad colaadaha Soomaaliya.

