Ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay howlgal ka sameeyeen degmada kaxda ee Gobolka Banaadir.
Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada Nabad sugida ay kusoo qabteen Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Fanax) oo ka tirsanaa Saraakiisha Xarakada Al Shabaab.
Ciidanka Hay’adda Nabad Suggda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo wata gawaarida dagaalka, ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay isu gadaameen dhisme ku yaala Degmada Kaxda, isla-markaana uu ninkaasi ku sugnaa sida la sheegay.
Xasan Maxamed Siyaad, ayaa waxay Dowladda Somaliya bishii July ee sanadkii hore madaxiisa duldhigtay laba kun oo dollarka Mareykanka ah, lana siinaayo cidii war ka keenta macluumaad suurtegalin kara in gacanta lagu soo dhigo Sarkaalkaasi.
Ma jirto wax war ah oo kaoso baxay Laamaha amniga dalka ay kaga hadlayaan arintaan.

