Arsenal xidigeeda qadka dhexe Jack Wilshere ayaa ka hadlay soo laabashadiisa kadib markii uu garoomada ka maqnaa muddo 11-bilood ah.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Ingiriiska ayaa 11-bilood kadib badal kusoo galay kulankii ay galabta arsenal barbaraha la gashay kooxda Sunderland waxaana lagu badalay xidiga Mesut Ozil
Jack Wilshere oo warbaahita la hadlay ayaa sheegay in uu kooxdiisa ka caawin doono sedexda kulan ee soo socota in ay guulo gaarto si ay ugu soo baxdo koobka Champions League sanadka dambe.

