Kulan Loogu Hadlaayay Amaanka Gobolka Banaadir oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro

0

Kulan loogu hadlaayay amaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir  ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kulanka shir gudoominayay wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa waxaana ka qeyb galay Maxamed Axmed Diriye Gudoomiye ku xigeenka Gobolka ee Dhinaca siyaasadda , qaar kamid ah Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliyayaasha booliska degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ugu horeyntii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), oo kulanka ka hadlay ayaa maamulka gobolka ku amaanay sida ay wax uga qabteen amaanka Gobolka iyo dhismaha wadooyin kuyaala magaalada Muqdisho.

Kulanka Intuu socday ayaa intiisa badan  waxaa diirada lagu saaray sidii loo sugi lahaa amaanka Gobolka Banaadir oo maalmihii dambe aad usoo xumaanayay.

odi_1 odi_2 odi_3 odi_4 odi_5 odi_6 odi_9an

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here