Dhageyso:-Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo Soo Bandhigay Labo Nin oo dadka Dhici Jirey+Sawirro

0

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay Labo nin oo dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay dhac u geysan jireen  dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir  Mudane Cali Xersi Barre “Cali Gaab” ayaa sheegay ciidamada Saldhiga Degmada Heliwaa in ay ku guuleysteen soo qabashada raggaan.

Mudane Cali Gaab waxa uu sheegay in raggaan iyaga oo wata gaari yar Moobeelada ay kaga dafi jireen dhalinyarada yar yar iyo dadka Suuqa adeega ka doonta, ugu dambeena ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliska degmada Heliwaa.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir  Cali Xersi Barre “Cali Gaab” ayaa sheegay in raggaan loo gudbin doono xabsiga dhexe ee dalka madaama ay ahaayeen rag u bareeray dhicida shacabka soomaliyeed.

tugo_1 tugo_2 tugo_3 tugo_4 tugo_5

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here