Dhageyso:- Maamulka Deegaanka Qoryooley oo ka Warbixiyay Dagaal Saakay ka Dhacay Deegaankaas

0

Maamulka deegaanka Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya  ayaa Faah-faahin ka bixiyay dagaal  xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka.

Gudoomiyaha dhanka amniga ee  deegaanka qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdi Maxamed Cali  oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad ilaalinta ee amisom balse ciidamada amisom ay iska caabiyeen ayna dileen qaar kamid ahaa ragii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Cabdi Maxamed Cali  Gudoomiyaha dhanka amniga deegaanka Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose   waxa uu sheegay in uusan jirin qasaaro sidaas u weyn oo gaaray ciidmada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here