Maamulka deegaanka Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya ayaa Faah-faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka.
Gudoomiyaha dhanka amniga ee deegaanka qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdi Maxamed Cali oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Nabad ilaalinta ee amisom balse ciidamada amisom ay iska caabiyeen ayna dileen qaar kamid ahaa ragii weerarka soo qaaday.
Sidoo kale Cabdi Maxamed Cali Gudoomiyaha dhanka amniga deegaanka Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa uu sheegay in uusan jirin qasaaro sidaas u weyn oo gaaray ciidmada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom.

