Faah-Faahin ku Saabsan Qaraxii Maanta ka Dhacay Degmada Warta-Nabada+Sawirro

0

Wararka naga soo gaaraya xaafada Cali-kamiin ee degmada warta-nabada ayaa sheegaya in labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay mid kamid ah uu ku qarxay meel u dhow maasjid ku yaala xaafadaas.

Haweeney  kamid ah dadka deegaanka xaafada Cali-kamiin ee degmada warta-nabada oo goorhdaweyd la hadashay idaacada simba ayaa sheegtay in labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay in la qabtay kadib salaadii jimciha ee maanta.

Waxa ay tilmaamtay goob-joogaha in labada gaari mid kamid ah uu qarxay xilli Ciidamada Miino Baarista ay ku mashquulsanaayeen fur furidda qaraxaasi, waxaa qasaaro dhaawac ah uu soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa miino baarista,  waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay nin odey ah iyo wiil dhalinyaro oo la socday labada gaari ee la qabtay mid kamid ah,

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in dadka dhaawacmay uu ku jiro sawir qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka, oo lagu magacaabo Fahad Cabdi Gaas.

Dhanka kale Ciidamada Nabad sugida ayaa maanta Labo gaari oo mid kamid ah waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxa ay  ku qabteen isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho,

Labada gaari ayaa la sheegay in mid kamid ah uu waday ciidamo aad u hubeysan halka midka kale ay saarnaayeen waxyaabaha qarax haatana ay gacanta ku hayaan Taliska Nabad sugida dowlada soomaliya.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in raga la qabtay in ay ahaayeen al-shabaab.

DSC02031 DSC02034 DSC02040 DSC02082

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here