Wasiirka warfaafinta Xukuumada fedraalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa wax bini’aadanimada ka baxsan ku tilmaamay dhacdadii dhawaan lagu gubay lix Caruuur iyo ayeeyadood oo ka dhacday deegaan ka Tirsan Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay Dowladda Somaliya heshay xogta ku saabsan kuwii gaystay dilka lixdii carruurta ahayd iyo ayeeydood loogu gaystay deegaanka Dudumo ee duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.
“Dowlada Soomaliya waxa ay heshay xog ku aadan kuwii ka dambeeyay dilkii lixda Caruuur iyo ayeeyadood oo ka dhacday deegaan ka Tirsan Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Dowlada soomaliya kama hari doonto kuwaas ayuu yiri wasiir Mareeye.
Dhanka kale Wasiirka warfaafinta Xukuumada fedraalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ugu baaqay meeleeshiyo beeleedka ku dagaalamaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose in ay dagaalka joojiyaan ayna miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.
Hadalka wasiirka Wasiirka warfaafinta Xukuumada fedraalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa kusoo beegamaya xili todobaadyadii ugu dambeeyay ay dagaalo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed uu ka socday qeybo kamid ah Magaalada Marka.

