Maxamad Axmad Diiriye :- Shacabka Waa in ay La Shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka

0

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobalka banaadir Maxamad Axmad Diiriye yabooh ayaa shacabka Soomaliyeed waxa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka si loo xaqiijiyo amniga caasimaadda muqdisho.

Maxamad Axmad Diiriye yabooh oo hadal ka jeediyay Munaasabad tababar loogu soo xiraayay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo taliyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka ayaa sheegay in mar walba ay muhiin tahay wada-shaqeynta shacabka iyo  Laamaha amniga  Gobolka Banaadir.

“Shacabka Soomaliyeed waa in ay la shaqeeyaan laamaha amniga dalka si loo xaqiijiyo amaanka caasimada soomaliya ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka banaadir.

Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya waxa maalmihii dambe ka dhacayay falal amniga lidi  ku ah Laamaha amniga dalka ayaa waday Howlgalo lagu xaqiijinayay amniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here