Hal sano oo kasoo Wareegatay Weerarkii Lagu Dilay Shaqaalo ka Tirsanaa Hay’ada UNICEF.

0

Maanta oo kale 20-kii april ee sanadkii  2015-kii waxaa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal Lagu weeraray shaqaalo ka tirsanaa Hay’ada Sanduuqa Gargaarka Deg degga Carruurta ee Qaramada Midoobay United Nations Children’s Emergency Fund oo loosoo gaabiyo ( UNICEF).

Weerar ismiidaamin ah oo ay Mas’uuliyadiisa  sheegatay  Xarakada al-shabaab ayaa lagu qaaday gaadiid ay la socdeen shaqaalo ka Tirsanaa Hay’ada UNICEF qeybteeda deegaanada Maamulka Puntland weerarkaas waxaa ku dhintay 12-qof oo soomaali iyo ajaanib isugu jirtay sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Dhanka kale Sannad ka dib War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’ada UNICEF ayaa lagu sheegay in maalin murugo badan ay ahayd kadib markii shaqaalo isugu jiray soomali iyo ajaanib u shaqeynayey lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Waxaana ay ku sheegtay hay’addu warkeeda qoraalka ah in ay sii wadeyso hawlihii ay ka haysay goobta lagu waxyeeleeyey shaqaalahaasi ka tirsanaa ee la weeraray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here