Dowlada Soomaliya oo Dhisaysa Ciidamo ka Hortaga kooxaha Dadka Tahriibiya

0

R/wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo maanta Shir Jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay ka hortagayso kooxaha dadka tahriibiya.

Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib R/wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha dalka ayaa Laamaha amniga dalka ku wargaliyay iney bur buriyaan shabakadaha dadka tahriibiya.

Sidoo kale R/wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha dalka ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay sameenayso unug ka tirsan hey’adaha ammaanka oo qaabilsan ka hortagga shabakadaha dadka tahriibiya,

Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib R/wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha dalka  ayaa ku wargaliyay Wasaaradaha warfaafinta, Waxbarashada, amniga iyo Awqaafta Diinta  In ay sameeyaan barnaamijyo dadka lagu wacyigelinayo si meesha loogu tahriibka.

Dhinaca kale R/wasaare ku xigeenka ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladda ay tayeeyn doonto baasaboorka Soomaaliga ah si ay dadka ugu fududaato iney u safraan waddamada dunida. loona yareeyo dhibaatda tahriibka.

Hadalka R/wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa kusoo beegamaya xili 200- oo soomaliya ah ay ku dhinteen badda isku xirta Masar iyo Talyaaniga iyagoo doonayay gaarista wadamada Yurub.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here