Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Baddaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre), oo la hadlay idaacada simba ayaa ka hadlay Mowjadaha biyaha badda Indian Ocean oo shalay saameyn ku yeeshtay Howlihii Dekadda Magaalada Muqdiho.
Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre), ayaa ku eedeeyay shaqsiyaad ka Tirsan Madaxda Dekadda Magaalada Muqdisho in ay burburin ku sameenayaan darbigaii celin Lahaa biyaha badda taasina ay keentay in biyaha ay soo Gudbaan.
“Horey Dekadda Magaalada Muqdisho waxa ay u laheed darbi weyn oo celin jirey Biyaha Badda Marka ay Badda Kacdo si aysan Biyaha ugu soo Gudbin Gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho, balse haatan Burburin ayaa lagu sameenayaa, ayuu Yiri Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre),
Dhanka Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre), ayaa sheegay in Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed aysan haysanin qalab Tayo wanaagsna oo lagu ogaan arrimaha noocaan oo kale.

