Faarax Qarre:- Waxaa Bur-burin Lagu Hayaa Darbigii Celin Lahaa Biyaha Badda+Dhageyso

0

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Baddaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre), oo la hadlay idaacada simba ayaa ka hadlay  Mowjadaha biyaha badda Indian Ocean oo shalay saameyn ku yeeshtay Howlihii Dekadda Magaalada Muqdiho.

Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre), ayaa ku eedeeyay shaqsiyaad ka Tirsan Madaxda Dekadda Magaalada Muqdisho in ay burburin  ku sameenayaan darbigaii celin Lahaa  biyaha badda taasina ay keentay in biyaha ay soo Gudbaan.

“Horey Dekadda Magaalada Muqdisho waxa ay u laheed darbi weyn oo celin jirey Biyaha Badda Marka ay Badda Kacdo si aysan Biyaha ugu soo Gudbin Gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho, balse haatan Burburin ayaa lagu sameenayaa, ayuu Yiri Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre),

Dhanka Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre), ayaa sheegay in  Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed aysan haysanin qalab Tayo wanaagsna oo lagu ogaan  arrimaha noocaan oo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here