Madaxweynaha Talyaaniga oo ka Hadlay Geerida Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo Badda ku Dhintay.

0

Qudbad uu jeediyey madaxweynaha dalka talyaaniga Sergio Mattarella  ayaa musiibo aad u xun ku tilmaamay dhimashada muhaajiriin ay soomaali u badan tahay oo badda dheer ee Mediterranean ku dhintay.

Sergio Mattarella   ayaa sheegay sidoo kale in ay ka qeyb qaadan doonaan ciidanka talyaaniga baadi goobka dadka wali meydadkooda la wey san yahay.

Dooni ay la socdeen 400 oo muhaajiriin ah oo badan kood ka yimid dalalka soomaaliya , Ethopia iyo Eretria ayaa waxaa ay kula dagtay badda madhiterinaymka oo ay ku safrayeen.

Safiirka safaarada soomaaliya ee dalka masar ayaa sheegay in doonidaasi laga soo badbaadiyey 29 ruux oo soomaali ah oo hada ku sugan xeebaha dalka giriiga.

Muhaajiriinta ayaa ka kala yimid dalalka bariga afrika sida Somalia, Ethiopia, Eritrea iyo dalalka sudan ,masar , iyo dalka yemen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here