Maxkamada ku taalo magaalada Northampton ee dalka Ingiriiska ayaa xukun waxa ay ku riday xasan jaamac oo lagu helay xatooyo lacageed kadib markii uu lun saday qarash gaaraya £105,000 oo pond.
Xasan jaamac oo la shaqeenayey hay-ada samafal ayaa qirtay dambiga lagu soo oogay isagoona maxkamada ka hor cadeeyey in lacagtaasi uu qaatay.
Mudane Xasan oo da’diisu ay dhan tahay 38 sano ayaa maxkamada ay ku xukuntay 2 sano iyo 3 bilood.
Waxa uu xasan lacagtaasi ku ritay akoon uu isaga sigaar ah u lahaa taasi oo keentay In lagu sameeyo baaris akoon kiisa gaarka ah.
Xukunka xasan ay maxkamada ku riday ayaan qareenkiisu uusan ka hadlin inkastoo go’aanka ay maxkamada gaartay ay u martay qaab sharci ah.

