Dowlada Soomaaliya oo Xaqiijisay Geerida 200 oo Tahriibayaal Soomaali ah

0

Safaaraadda soomaaliya ee dalka masar ayaa xaqiijisay in ay dhinteen 200 oo tahriibayaal soomaali ah oo kusii jeeday dalalka qaaradda yurub.

Safiirka soomaaliya ee dalka masar oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegay in ay dhinteen 200 oo muhaajiriin soomaaliyeed kuwaasi oo ka baxay xeebaha dalka masar gaar ahaan magaalada Alexandria ee dalka masar.

Dooni ay la socdeen 400 oo muhaajiriin ah oo badan kood ka yimid dalalka soomaaliya , Ethopia iyo Eretria ayaa waxaa ay kula dagtay badda madhiterinaymka oo ay ku safrayeen.

Safiirka safaarada soomaaliya ee dalka masar ayaa sheegay in doonidaasi laga soo badbaadiyey 29 ruux oo soomaali ah oo hada ku sugan xeebaha dalka giriiga.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here