Codeen saacado badan qaadatay oo sitoos ah loo soo galiyey Tv-ga qaranka iyo Radiyaha ayaa baarlamaanka dalkasi ay u codeeyeen in xilka laga qaado Madaxweyne Dilma Rousseff.
Codeenta oo dhamaan ay soo xaadireen xubnaha sanatariska ee dalka Brazil ayaa aad iskugu raacay in xilka laga qaado Madaxweynaha dalka barasiil. Dilma Rousseff.
342 mudane ayaa u codeeyey in xilka laga qaado dilma oo lagu eedeeyey musuq maasuq xoogan.
513 oo ka tirsan mudanayaasha dalkaasi ayaa 297 ay u codeeyeen in dilma madaxweynaha barasiil ay xilka sii heyso.
Madaxweyne dilma oo hadashay codeenta ka dib ayaa sheegtay in madaxweyne ku xigeengeeda uu ka dambeeyo afgambiga lagu sameeyay.

