Cali Gaab:- Waxaa Gacanta Lagu Dhigay Dadkii ka Dambeeyay Dilalkii Loo Geystay Haween ku Noolaa Muqdisho

0

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in lagu guuleystay soo qabashada qaar kamid ah dadkii ka dambeeyay dilalkii loo geystay Haween ku noolaa Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) oo shir Jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa  sheegay in ciidamada Booliska howlgalo ay sameeyeen inay ku soo qabteen dadkii geystay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gudaha degmooyinka Gobolka banaadir.

Cali Xersi Barre (Cali Gaab) waa uu sheegay in gacanta lagu hayo dadkii ka dambeeyay dilkii xalay degmada hodan ee Gobolka banaadir loogu geystay haweeney kamid aheyd ururka Haweenka degmada hodan ee Gobolka Banaadir oo lagu dilay xaafada seybiyaano.

Sidoo kale Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab)  ayaa sheegay in ciidamada Booliska Gobolka Banaadir inay gacanta ku soo dhigeen ragii ka dambeeyay dil Haweenay saaka loogu geystay degmada Dharkinley.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in dadka geysta dilalka ka dhaca Gobolka Banaadir ay  kasoo jeedaan Gobolka Banaadir, wuxuu ku tilmaamay kuwa  kasoo horjeeda Hormarka Gobolka banaadir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here