Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud oo ku sugan dalka Ethopia islamarkaana uu kaga qeyb galayo shirka loogu hadlaayo amniga qaarada Africa ayaa markii ugu horeysay ka hadlay gabdhaha Somaliyed ee dalka Sacuudiga Shaqaalaha loogu qaaday,
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay hadalada qaar ay dadka isla dhexmarayaan macnaha kale loo yeelaayo, wuxuuna sheegay in gabdhaha Somaliyeed kaligood ay safraan ay dhibaatooyin kala duwan la kulmaan mararka qaar.
“Aad iyo aad ayaan uga xun nahay Doodaha qaarkood sida loo dhigaayo la soo qaadaayo gabdhaha Somalida, Gabdhaha Somalida hadaba waa ay safraan kaligood ayeey safraan iyagoon Dowlad aan dirin ayeey Safraan iyadoo xuquuqdooda cid ilaalinaysa aysan jirin ayeey safraan waa tahriibaan badaha ayeey maraan Yemen oo dagaal ka socda inta ku dhex lugeeyaan ayeey Sacuudiga galaan.”Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya oo la hadlay Tv-ga Afrika4.
Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in ay dhamaatay dhibaatooyinkii ay la kulmi jireen gabdhaha soomaliyeed hadana si sharciga waafaqsan dalka Sacuudiga ay uga shaqeysanayaan,

