Xubnaha Guddiyada joogtada ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta kulan loogu hadlaayo arrimaha doorashooyinka waxa ay ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Jeylaani Nuur Iikar oo shir Gudoominaayay kulankii shalay ayaa tilmaamay in Shirkaan ay isugu imaanayaan maanta oo Taariiqda tahay 17-ka Bisha Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka intiisa badan diirada lagu saari doono arimaha doorashooyinka.
Kulanka ay sidoo kale yeelan doonaan Xubnaha Guddiyada joogtada ee Baarlamaanka Somaliya ayaa loogu hadli doonaa qodobadii kasoo baxay shirkii madashada wada-tashiga doorashooyinka ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

