Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Hadlay Haween Saakay Lagu Weeraray Degmada Dharkinley

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya haween saakay lagu weeraray degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitax Cumar Xalane oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay weerar saakay ka dhacay Gudaha degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir.

Cabdi Fitax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Labada Haween ay walaalo ahaayeen isla markaana mid kamid ah ay geeriyootay kadib markii gaari lagu hor jaray rasaas xoogana lagu furey.

“Foosiyo Jamaal xasan ayaa la oran jirey Mida geeriyootay 3-caruur ayay dhashay mida labaad ee dhaawacantay waxaa lagu magacaabaa shankaroon Jamaal xasan waxaa soo gaaray dhaawac haataana waxaa lagu dabiibayaa goobaha caafimaadka ayuu yiri Cabdi Fitax Cumar Xalane.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Falkii saakay ka dhacay degmada Dharkinley ee Magaalada Muqdisho.

Maalmihii dambe waxaa Magaalada Muqdisho kusoo laab-laabanayay Falalka dilalka iyo dhaawacyada loo geysanayay Mas’uliyiinta ka tirsan dowlada soomaliya iyo dad shacab ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here