Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta Guddoonka sare ee Baarlamanka Soomaliya waxa ay u Gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, ee ka soconaaya Magaalada Jowhar.
42 Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamanka soomaliya , ayaa waxay saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah shirka Magaalada Jowhar ka Furan, waxayna ku dalbanayaan in dib loo dhigo shirka ka soconaaya Magaaladaasi.
Balse Guddoonka Sare Baarlamaanka iyo Xildhibaanada mooshinka Soo Gudbiyay waxay isu waafaqeen in dib loo dhigo Mooshinkan, ka dhanka ah shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe lagana doodo kulanka dambe ee Xildhibaanada yeelan doonaan.
Mooshinkan, maanta ay soo Gudbiyeen xildhibaanada ka Tirsan Baarlamanka soomaliya ayaa wuxuu u muuqdaa mid caqabad ku noqon kara shirka wejigiisii labaad, ka Furan magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

