Mooshin ka dhan Ah Shirka Maamul U Samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Loo Gudbiyay Guddoonka Sare

0

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta Guddoonka sare ee Baarlamanka Soomaliya waxa ay u Gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, ee ka soconaaya Magaalada Jowhar.

42 Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamanka soomaliya , ayaa waxay saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah shirka Magaalada Jowhar ka Furan, waxayna ku dalbanayaan in dib loo dhigo shirka ka soconaaya Magaaladaasi.

Balse Guddoonka Sare Baarlamaanka iyo Xildhibaanada mooshinka Soo Gudbiyay  waxay isu waafaqeen in dib loo dhigo Mooshinkan, ka dhanka ah shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe lagana doodo kulanka dambe ee Xildhibaanada yeelan doonaan.

Mooshinkan, maanta ay soo Gudbiyeen xildhibaanada ka Tirsan Baarlamanka soomaliya  ayaa wuxuu u muuqdaa mid caqabad  ku noqon kara shirka wejigiisii labaad, ka Furan magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here