Ciidamo ka Tirsan Puntland oo La Geeyay Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Puntland oo aad u fara badan  ayaa la geeyay deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo dhawaan ay ku dagaalameen al-shabaab iyo ciidanka maamulka Puntland

Ciidamadan oo isugu jira kuwa badda iyo kuwa Difaaca Maamulka Puntland ayaa shalay loo daadgureeyay deegaanka Garacad, ee Gobolka Mudug waxaana qorshaha uu yahay inay xoojiyaan ammaanka deegaankaasi. Oo dhawaan ay qabsadeen Xarakada al-shabaab balse markii dambe laga saaray.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro Shabaabka ay ku soo qaadaan deeganada Maamulka Puntland.

Al Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaano ka tirsan Puntland,balse dagaalo ciidanka Puntland ay la galeen Shabaabka ayay Puntland ku qabteen dhalinyaro ka Tirsaneed al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here