Maraakiib Shisheeye oo Lagu Arkay Xeebta Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe+Dhageyso

0

Waxaa Maanta xeebta degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu arkay maraakiib shisheeye oo la sheegay in ay halkaas ka wadaan kaluumaysi sharcidaro ah.

Maxamed Cali Yuusuf Xoghayaha degmada warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in maraakiibtaan lagu arkay xeebta degmada warshiikh ee Gobolka Shabeelaha dhexe isla markaana ay halkaas ka wadaan kaluumaysi sharcidaro ah.

“Maalmahaan oo dhan ayay wadeen maraakiibtaan kaluumaysiga sharcidarada waxaa ilaalilaanaya markab  Nato leedahay waxaa ku dul babanaya mid kamid ah maraakiibta calanka dalka Faransiiska ayuu Yiri Xoghayaha degmada warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Dhanka kale Maxamed Cali Yuusuf Xoghayaha degmada warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa madaxda dowlada soomaliya ugu baaqay in ay ka hortagaan arintaan kaluumaysiga sharcidarada ay sameenayaan maraakiibta shishiyee.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here