Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Arrimaha Amniga oo Maanta ka Fumarmay Magaalada bahar daar ee dalka Ethiopia.

0

Waxaa goor dhaw magaalada bahar daar ee dalka Ethiopia ka furmay shir madaxeedka midowga afrika oo ay ka qeyb galayaan madaxweynayaasha dalalka qaarada afrika.

Madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa soomaaliya uga qeyb galaya kulanka heerka madaxweyne ee ka furmay maanta dalka Ethiopia.

Shir madaxeedkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha amniga iyo dhaqaalaha ee qaaradda Africa.

Howl galka Amisom ee soomaaliya ay ka wadaan dalalka  midowga afrika wadamo ka socda ayaa looga hadli doonaa shirkaan  iyo ciidamada Amisom hormarka ay ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dhanka dhaqaalaha ayaa muhiimad kale ayuu siinayaa shirkaan maadaama dhaqaalaha qaaradda afrika uu kala xiran yahay.

Shirka waxaa ka qeyb qaadanaya dalalka soomaaliya, Kenya, Burundi, Uganda, Tanzania, Nigeria, chad, mali, Al-geria, Egypt iyo dalal kale oo qeyb ka ah kulanka.

Ugu dambeen waxaa la filayaa in sigaar ah kulanka loogu soo hadal qaado colaadaha ka jira dalka Burundi.

Dagaalada Burundi ka jira ayaa waxaa  ku dhintay in ka badan 800 oo ruux.

Burundi horay waxaa ay u diiday in ciidan nabad ilaalineed oo ka socda dalalka afrika oo gaaraya 5000 oo askari la geeyo dalkeeda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here