Warar dheeri ah oo kasoo baxaya Dagaal beeleed ka qarxay Saaka duleedka Magaalad Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Dagaalku uu yahay mid u dhexeeya Laba beelood oo ka mid ah kuwa daga gobolka Hiiraan,waxaana dagaalku uu ka socdaa duleedka Magaalada Baladweyn gaar ahaan deegaan la yiraahdo Yarmoog oo qiyaas ahaan 26-KM u jira Magaalada Baladweyn.
Waxaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan kaasi oo daryankiisa laga maqlayo goobaha ka ag dhaw deegaanku dagaalku uu kasocdo.
Wali lama oga qasaarah inta uu le’egyahay balse waxaa lasoo sheegayaa inuu qasaare jiro.
Xiriirro kala duwan oo aan la sameynay masuuliyiinta Maamulka Gobolka wali nooma suuragalin,balse wixii kasoo kordha dib ayaan idin kagasoo gudbin doonnaa insha allaah.

