Booliska Uganda oo Amaanka dalkaasi Si Weyn u Adkeeyey

0

Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa warqado hanjabaad ah waxa ay ku daadiyeen bartamaha dalka Uganda.

Warqadahaan  ayaa waxaa ku qornaa in Al-shabaab ay weerar ku yihiin isbuucyada soo socda meelo badan oo dalka Uganda ku yaalo.

Al-shabaab ayaa warqadaha ay daadiyeen waxaa ku xusnaa in ay weeraro ka fulin doonaan gudaha bishaan magaalada Kampala iyo magaalada bartamaha dalkaasi ku taalo ee Mbale.

“Waxaa  sare loo qaaday amaanka deegaanada  hoostaga Mbale sida Suam, Amudat, Malaba, Busia , Lwakhakha, iyo saldhiga weyn ee kuyaalo bartamaha magaalada Mbale sidaasi waxaa tiri Diana Nandawula  oo ah afhayeenka gobolka  Elgon ee dalka Uganda”.

Waxaan ciidan badan u daad gureynay deegaanada ay caasimada ku jirto si aan uga hortagno Qatar argagaxiso iyo hanjaabada cusub ee Al-shabaab aye tiri mar kale Diana Nandawula.

Peter Siriky waa taliye ku xigeenka booliska gobolka Elegon waxaa uu sheegay In ay gacanta ku dhigeen rag lagu tuhmayo in ay Al-shabaab ka mid yihiin oo ah kuwii daadiyey warqadaha dhawaana ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan.

Sanadkii 2010-kii ayaa Al-shabaab ay weerar ka fuliyeen dalka Uganda maqaayad ku taalo magaalada Kampala halkaasi oo ay ku dileen in ka badan 70 ruux.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here