Wasiir Odawaa:- Magaalada Buulo-Barde Waa Caasimada Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Fedraalka Soomaliya ayaa sheegay in caasimada Maamulka hiiraan iyo shabeelaha dhaxe ay tahay magaalada Buullo burte isla markaana aysan jirin wararka sheegaya in maamulka cusub ee la dhisaayo uusan ku shaqeyn Karin.

Wasiir Odawaa ayaa meesha ka saaray hadalo ay isla dhaxmarayaan  shacabka oo ah in aan latagin  magaaloyinka Casimadaha Looga dhigay maamuladii horay loo dhisay ,waxaana uu balan qaaday in maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhaxe uu ku shaqeyn doono Magaalada  buulo-burte oo ah caasimada Maamulka Cusub,

“Waxyaalaha la isla dhaxmaraayo oo ku aadan in aan la tagi karin Magaalada Buulo-barde waa waxba kama jiraan maamulka la dhisaayo ee hiiraan iyo shabeelaha dhexe markii la dhameystiro waa caasimada uu ku shaqeyn doono ayuu yiri wasiir Odawaa.

Hadalka wasiirka arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa kusoo beegmaya xili horey maamuladii loo sameeyay aysan tagin Magaalooyinka  caasimada u ah,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here