Ilaa 50-askari oo kamid ahaa ciidamadii Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa lagu wareejiyay ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Ciidamadaan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa halka loo yaqaano Sabca Asharaaf, kana tirsan Deegaanka Goobweyn oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka amisom ayaa ciidamadaan lagu wareejiyay inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan in muran badan uu ka dhashay arimaha la wareegitaanka ciidankaan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka amisom ay doonayeen in ay la wareegaan ciidankaan balse ugu dambeen ciidamada Ethopia ayaa la wareegay ciidankaan kamid ahaa xoogagii Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), oo sanado ka hor ka talinayay Magaalada Kismaayo.
Dhanka ciidamada al-shabaab ayaa la wareegay goobihii ay kasoo baxeen xoogagiii Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale)








