Fanaanada Marwo Cabdi Axmed oo Caawa Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay

0

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Allaha u naxariistee fanaanada Marwo Cabdi Axmed oo kamid aheyd fanaaniinta hobalada qaranka ee Waaberi.

Agaasimha kooxda Waaberi Maxamed Xasan Barow. Oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay geerida Fanaanada Marwo Cabdi Axmed oo kamid aheyd hobolada waabari

Maxamed Xasan Barow waxa uu sheegay  in caafimaadkeeda uu wanaagsanaa Fanaanada balse  mar qura xanuun uu ku soo booday Fanaanada ugu dambeyntiina caawa maqrabadii ay ku geeriyootay gurigeeda.

Fanaanada,Marwo Cabdi Axmed, ayaa kooxda fanka ee Waaberi kamid aheyd tan iyo 1980 meeyadii iyadoo qeyb ka aheyd jiliyaashii ruwaayadii caanka aheyd ee “Waa maadeys aduunyadu dadkuna waa ay matalayaan”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here