Iyadoo dooni aad loosoo buux dhaafiyey ay la socdeen boqolaal tahriibayaal ay ku jiraan soomaali ayaa ciidamada ilaalada badda ee talyaaniga ay soo badbaadiyeen.
Tahriibayaashaan oo tira ahaan gaaraya 300 ayaa ka yimid dalka libiya halkaasi oo ay dooni ay kasoo qaaday.
Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee talyaaniga ayaa warbaahinta u sheegay in tahriibayaashaan la geeyey xeebta sashiiliya ee dalka talyaaniga.
Tahriibayaashaan ayaa ka yimid dalalka soomaaliya, Eretria, Ethiopia , sudan, masar, congo, DRC, iyo dalal kale oo afrikada ah.
Ciidamada ilaalada badda ee talyaaniga ayaa tan iyo markii ay bilaabeen howl galka miniyastram waxaa ay badbaadiyeen kumanaan muhaajiriin ah kuwaasi oo ku safrayey badda.
Dadkaasi ayaa laga soo tahriibinayey xeebaha dalka libiya oo noqday marin caalamiyaa.
Source: Italian guards sea

