War saxaafadeed laga soosaaray wasaaradda arrimaha dibada ee dalka mareykanka ayaa lagu amaanay sida ay quruxda badan oo shacabka reer jabuuti ay uga qeyb qaateen doorashadii madaxtinimo ee maalinkii jimcaha ka dhacday dalka jabuuti.
Warsaxaafadeed kaan ayaa lagu yiri in kastoo doorashadoo 8-dii bishaan April dhacday ay u qabsoontay nidaam xor iyo cadaalad ah hadana waxaan wali ka warsugeenaa kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashada goob jooga ka ahaa sida urur goboleedka IGAD.
Waxaa warsaxaafeedeedkaan ku xusnaa kuxigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ee dalka mareykanka Mark C. Toner.
Gabada-dabada warsaxaafeedeedka dowlada mareykanka ay ku dhiiri galineysay sida wanaagsan ee loo qabtay doorashadii madaxweyne nimo ayaa dowlada Djabuuti ugu baaqday in ay ilaaliso xornimada dadka shacabka ah ay u leeyihiin araktidooda iyo in fikradaha madaniga ay tixgaliso dowlada jabuuti.
8-dii bishaan April ayaa dalka jabuuti loo dareeray goobaha codbixinta dalkaasi xili ay doorashada ka qeyb qaateen dad gaarayey 190,000 oo jabuutiyaan.
Doorashadaasi waxaa ku guuleestay madaxweyne cismaaciil cumar Geele oo keensaday codod dhan 87%.
SOURCE: U.S. State Department

