Baarlamaanka Kenya  oo Amar Kubixiyey in Ciidanka Kenya ay u istaagaan joojinta Weerarada Al-shabaab

0
Kenya's Supreme Court judges file into the chamber during the opening of the 11th Parliament in the capital Nairobi April 16, 2013. REUTERS/Noor Khamis (KENYA - Tags: POLITICS)

Mudanayaashii ugu badnaa  ee Baarlamanka dalka Kenya ayaa maanta waxa ay iskugu yimaadeen kulan balaaran oo looga hadlayey amaanka dalkaasi Kenya.

Mudanayaasha Kenya ayaa  soosaaray qodobo ku aadan amaanka dalkaasi sida wax looga qaban karo waxaana ay isku raaceen in ciidanka Kenya ay u istaagaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo lagu joojinayo weerarada ay Al-shabaab ka fulinayaan dalka Kenya.

Dhanka kale Xubno ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa sicad hadana maanta mar kale waxaa ay u diideen in ciidanka Kenya ay kasii mid ahaadaan howl galka Amisom ee soomaaliya ka socda  iyo in ay sii joogaan gudaha soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya oo baarlamaanka dalkaasi hortagay ayaa xubnaha mudanayaasha ka codsaday in 1 daqiiqo loo aamuso askartii Kenya kaga geeriyootay weerarkii ceel cadde ka hor furitaanka kulanka baarlamaanka, balse dhamaan mudanayaasha ayaa hadalka madaxweynaha diiday.

Kitutu Masaba Bosire oo ah mudane katirsan baarlamaanka Kenya ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in aysan ogolaan doonin in ay sanado kale ciidanka Kenya ay sii joogaan Gudaha soomaaliya.

Al-shabaab ayaa weeraro qorsheesan waxa ay ka fuliyaan dalka Kenya waxaana ugu dambeeyay weerarkii ay magaalada wajeer ku qaadeen habeenkii axada ee isbuucaan Gudihiisa.

Weerarkaasi ayaa Al-shabaab ay ku gubeen saldhigyo ciidan iyo goobo tukaamo ah oo wajeer ku yaalay halka ay sidoo kale kusoo qabsadeen hub iyo gawaari dagaal sida ay sheegeen saraakiil u hadlay ciidanka Kenya.

Source: Dailynation

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here