Safaaradda dalka mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraadii dhanka safaradda ahaa ay ka qaaday muwaadiniinteeda mareykanka ee ayna tagi karaan deegaannada ku yaalla Gobolada xeebta ee dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Mombasa.
Goobaha xayiraada lagaa qaaday ayaa waxaa kamid ah countiyada Malindi, Mombasa, Kwale iyo wadanka dariska ah ee Tanzania.
Dowlada mareykanka ayaa horay muwaadinninteeda uga digtay in ay dalxiis ku tagaan qeybo badan oo kamida ah dalka Kenya.
Balse dowladda Mareykanka ayaa hadda sii adkeysay digniinteeda ay u jeedineyso muwaadiniinteyda in aysan safarro ku tagin magaalooyinka ku dhow xadka ay Kenya la wadaagto dalka Somalia sida magaalooyinka:- Ceel-Waaq , Wajeer, Garissa, Mandera iyo magaalada Libooya.
Madaxweynaha dalka mareykanka Brack Obama ayaa bishii julay ee sanadkaan 2015 gaaray dalka Kenya waxaana uu sheegay in amaanka dalka Kenya uu aad u fiican yahay.

