Hay-ada sirdoonka dalka kenya ayaa soo bandhigtay sawiradda 5 ruux oo kenyaan ah kuwaasi oo kamid ah Xarakada Al-shabaab.
5-ta ruux ee lasoo bandhigay magacyadooda iyo sawiradooda ayaa laamaha amaanka kenya ay ku sheegeen in ay ka dambeeyeen weeraro horay uga dhacay dalka kenya .
Dadka lasoo bandhigay waxaa kamidaa Omar Patroba Juma, Shamim Wanjiru Hussein oo ah haweyney uu qabo iyo ninkii qabay Omar Patroba Juma, Anwar Yogan Mwok , Omar Owiti iyo Ramadhan Kioko.
Warbixintaan oo loo gudbiyey wargeyska dailynation ee dalka kenya ayaa lagu yiri in haweyneeda lagu magacaabo Shamim Wanjiru Hussein ay Al-shabaab ugu qorontahay in ay fuliso fal is qarxin ah oo lagu qaado dalka kenya.
Omar Patroba Juma, oo ka mid ah dadka lasoo bandhigay ayaa isagana fuliyey weerar lagu qaaday xero military oo lagu magacaabo Baure kaasi oo dhacay biishii june.
Anwar Yogan Mwok, isagana wuxuu kamid ahaa magacyada la shaaciyey ee alshabaab ka tirsanaa wuxuu ahaa ciyaaryahan ciyaara kubada cagta una ciyaarayay naadiga Mathare United, ee dalka Kenya waxaana uu kusoo biiray Alshabaab sanadkii 2013-kii.
Halkaan ka daawo Sawirada



