Xidiga Gareth Bale ayaa shaaciyay in uu ku Faraxsan yahay Nolosha kooxda Real Madrid ee Horyaalka dalka Spain wuxuuna tilmaamay in xirfadiisa Kubada Cagta ay saro u qaadmatay tan iyo markii uu yimid Real Madrid.
26-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka wales ayaa kooxda Real Madrid kaga Yimid kooxda Tottenham wuxuuna Noqday xidigii ugu qaalisanaa ee suuqa lagu kala iibsaday kadib markii lagu soo iibsaday €100 million (£86m) sanadkii 2013-kii.
Xili ciyaareedkiisa ugu horeeyay ayuu kooxda Real Madrid kula guuleystay koobka Champions League kadib markii uu dhliyay mid kamid ah Goolashii ay kaga adkaadeen kooxda Atletico Madrid.
“ Halkaan markaan imid waxaa sameeyay bandhig wanaagsan ayuu xidiga reer wales u sheegay website-ka xiriirka Uefa ee UEFA.com.

