Shirka madasha madasha wadatashiga qaranka oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya ayaa maanta lagu wadaa in soo gaba-gabeeyo.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya Daa’uud Aweys oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in maanta Shirka la soo gaba gabeeyo oo laga soo saaro go’aanada ay isku raaceen Madaxda Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.
Mudane Daa’uud aweys Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya waxa uu sidoo kale Tilmaamay in shirka maanta lagu soo hadal qaadayo Ajandayaal muhiim ah oo madaxda ka qeyb galaysa shirka ay ka hadli doonaan,
Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira oo shirka ka qeyb galaya ayaa muhiimada saaray shalay sida loo hirgelinayo nidaamka doorashada ee la’isku raacay iyo qaabka ay u dhaceyso iyo waddooyinka loo marayo.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud oo qudbad ka jeediyay furitaankii shirkii shalay ayaa sheegay in loo baahan yahay u shaqeynta shacabka iyo sidoo kale ka shaqeynta danta guud.
“Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed. Waddankeena waxaa uu ku tallaabsadey horumar dhinacyo badan, taasina waxaan ku gaarney waa isku tanaasul iyo dulqaad aan muujinay. Waxaan rajeynayaa inaan meesha ka sii wadno dadaalkeena aan horay ugu dhaqaajineyno dalka si aan u helno Soomaaliya cusub oo ku dhisan nabad, horumar iyo barwaaqo’’, ayuu yiri Madaxweynaha

