Dhageyso:-Maamulka Degmada Ceel-buur oo Sheegay in Al-shabaab Laga Saaray Deegaano Hor leh

0

Waxaa  saakay degan xaalada degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud kadib markii shalay uu dagaal xoogan  ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya, Ethopia iyo al-shabaab oo la sheegay in ay weerar kusoo qaadeen degmada.

Gudoomiyaha degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Biya Quute oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaliya ay dagaal al-shabaab kula galeen deegaanka deef oo ka tirsan degmada ceel-buur ee Gobolka Galgaduud isla markaana ay ku dileen dagaalkaas saraakiil iyo ciidamo ka tirsan al-shabaab.

Cabdi Xasan Biya Quute waxa uu tilmaamay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia ay al-shabaab ka saareen deegaanka la yiraahdo deef oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidanka al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud Cabdi Xasan Biya Quute waxa uu dhanka kale sheegay in al-shabaab ay qorsheenayeen in degmada ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ay kusoo qaadaan weerar lamid ah kii ay ku qaadeen deegaanka ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale waxaa saakay howlgal ay sameenayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia waxa uu ka soconayaa degmada ceelbuur ee Gobolka Galgaduud sida uu mar kale warbaahinta simba u sheegay Cabdi Xasan Biya Quute.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here