Ururka Midowga Africa ayaa soo dhaweeyay doorashadii dhawaan ka dhacay dalka Jamhuuriyada Jabuuti doorashadaas uu mar kale ku guuleystay Mudane ismaaciil cumar Gelle.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ururka Midowga Africa (African Union) ayaa lagu sheegay in doorashadii ka dhacday jimcihii dalka Jabuuti in ay aheyd mid xur iyo xalaal ah shacabkana ay codadkooda u dhiibteen si xur ah.
“Doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti jimcihii aynu soo dhaafnay waxa ay aheyd mid xalaal ah waxayna dadka cododkooda u dhiibteen si xur ah ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ururka Midowga Africa.
Doorasho ka dhacday dalka Jabuuti jimcihii aynu soo dhaafnay waxaa mar kale ku guuleystay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo xukunka dalka Jabuuti la wareegay sanadkii 1999-kii. waana markii afaraad uu xilka madaxtinimada dalka jabuuti uu ku guuleysto.

